Gabaygaa hore ka dib Xuseen iyo Cirjiidh danahoodii ayey kala raacdeen oo ninba gees ayey duruufuhu u hoggaamisay.  Saddex sano ku dhawaad kolkay kasoo wareegtay ayey ku kulmeen Denmark.  Kulankaana Xuseen gabay dheer oo xogwaran iyo warbixin ah ayuu gabayaagu ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

 

  1. Deyr hore Cirjiidhow warkaan Dubai ku falleeyey
  2. Dan baa tidhiye adigoon duda dhaaxo kale dawrey
  3. Jacaylkaaga igu duugan iyo darajadeyntaada
  4. Dareenkeyga faraxii dardaray xiisa danankeyga
  5. Kulankii diiwanada galeen dunida gaadhsiiyey

 

  1. Dagaalladiyo aafadi adoo deeqla kaa bixiyey
  2. Sidaan oogu diirsaday darteed gabaygii aan duubay
  3. Duud markiisa gabaygaad ogeyd dulucda weedhiisa
  4. Ma danaynin dooddii murtida waagi dabadeed
  5. Caawey dabayshiyo mar kale dirirku saadsheene

 

  1. Dalkaan imid dad badanoon jeclaa wada dalxiiskooda
  2. Dabeyl caafimaad iyo sidii laydh indhah diirsha
  3. Maandhow xiskii daallanayaa dararyey aashiise

 

  1. Dirkuu dhaliyo Awgaab indhuhu waw dubboodeene
  2. Isagoo daliil quruxsanoo dad iyo maal buuxa
  3. Oo gaari lagu diirsadaa doojin ubadkiisa (gaari dumar)
  4. Mar inaan duljoogsado wax badan waygu duubneyde

 

  1. Duubcaduu Ugaaskii dhaliyo diricyadii Xaawo
  2. Inaan daahno oo aan mar kale dood ku wada guulo
  3. Oo duni wixii waa ka dhacay ii dul maro Naadir
  4. Iga didiye daal iyo wixii diidshay madaxiiye

 

  1. Dabcigiisa wacan Kaahin baan lagaba daaleyn
  2. Diiwaankiyo dadkii Ceelberdees qorayey duugtooda
  3. Intaasoon wax badan doonayoo mar isku soo duubmey
  4. Saw farax`daraadii inaan doobta rido maaha

 

  1. Damacaaga dhoof dibad ah iyo Yurub waxaad doontay
  2. Duruufuhu waxay ku xujureen danaha kaa hiilshay
  3. Duca waalid baa ku ladhnayd daa’in abidkaaye
  4. Dadaalkii waxaad `doon lahayd gaadhay dalabkiiye

 

  1. Denmark degmada Nordikiyo degenka aad joogto
  2. Waa dhulkaad u doogsada lahayd diiftu way bi’iye
  3. Inaad malab durduurani carrada dahab hadduu yaallo
  4. Durba inaad daliilkeeda heli waw danniyaaye

 

  1. Inta aad diyaar ooga noqon dooda dhinaceeda
  2. Aan inoo dabree  sheekadaa dihin aan daayo
  3. Waxa igu dirqiyey maansadaan daday albaabkeeda
  4. Isha shiishka loo dabay halkay daarantahay toogto
  5. Nin kaloy ka duuftaba adayn duni ku dhaafayn
  6. Warkaan dado adaa dooxan kara ereyga diimoone
  7. Dulmarkeeda garo xaajadaan soo dallaci doono

 

  1. Nin doolaala dheer baan ahoo deyrba meel tage
  2. Kama dego diyaaraad kacdiyo haada danantaaye
  3. Qaarad durugsan meel uunku dego oy degmadu gaadho
  4. Dal ma jiro aduunyadan dulyaal oonan waa degine

 

  1. Waxaasoon dawaafa iyo katlaba daaf walbaba gaadhey
  2. Daadsan iyo wixii gaadhi dadan la igu duuflaashay
  3. Carra loo dalxiisiyo dabaal bado waxaan dooxey
  4. Hoteel lagu danbaabiyo sar aad dahab ku miisaasho
  5. Sariir diiran oo dabasan iyo moolo kula diista
  6. Waxaan daar qurxoon degey wixii dabaqyo lay qeeday

 

  1. Madcam lagu dekeeyiyo cuntada nooc walbaba daadsan
  2. Darab iyo sarreen duban wixii dadab la ii saaray
  3. Maxaa daran maxaad dayi wixii dalabyo lay keenay

 

  1. Darmaan carraba iyo naag cadood qurux la diideysa
  2. Waxay damacday inaan daahiyaa doqonsanaanteeda
  3. Waxaasoo adduun lagu degmoo aniga lay daadshay
  4. Uma deexan dookh igama galin laygu degi waaye
  5. Darrintii Nimciyo waxaan ahayn diiqo ay karisey
  6. Amaan doobi caano ahayn soobir dararteeda
  7. Ima deeqo duul kale waxay igu durraanteene

 

  1. Dal tabyadu waa cudur haddana la iska daaweyne
  2. Xudunteydii lagu duugay iyo hooyo dararteede
  3. Digrigiyo wadaadkii xirisiga iigu dhigey deelka
  4. Malaha waa darteedii waxaa ii durbaan tumiye
  5. Wax kaloo i deeqaa la waa duniyo maalkeeda
  6. Waa laygu daw galay cishqiga dooni agankiiye

 

  1. Dibirkii Bakool iyo dul iyo ceelberde dooxi
  2. Dusha Labashir duudihi Kawaan dooga quruxdiisa
  3. Gu’ga da’ay abeeraha da’ dhalay daalin sidigteeda
  4. Geelii nirgaha daabiyee xoorta laga daadshay
  5. Xunbadii la duurduuran dihanayaa mooye

 

  1. Adhi daad masaalkiye wixii daadsanaa hudihii
  2. Wanka geesku duubmiyo ahmigi xaydh dirgani waayey
  3. Duco loo qalyaa iyo dan kale loo daldaliyaaba
  4. Dibaaxdiyo wadaada darmaday darabta iidaaman
  5. Digrigiyo daryaankii xadrada `dihanyaa mooyi

 

  1. Lo’da oo dixaha loogu xidhay dalandalankii weysha
  2. Oo xamashka doogiyo cagaar dihin la daaqsiiyey
  3. Oo dararta waalaani candhada doojin kari waayey
  4. Xaycadkii la darandoorin jirey dihanyaa mooyi