Isagoo bishii May 2003 safar shaqo ku maraya magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carab ayuu abwaanku si lama filaan ah wuxuu ula kulmay nin uu aad u jeclaa, dhalasho dhawna ay wadaagaan oo ay ugu dambaysay 14 sano ka hor.  Wuxuu ku ogaa Xamar oo aan xilligaa iyo xilliyadii ka dambeeyeyba nabadgelyo iyo xasilooni midna ku caanbixin.  Faraxii uu ku farxay ninkaa aragtidiisa ayaa gabaygan keenay oo uu isla goobtii ku mariyey.  Gabaygan Cirjiidh ee Xuseen wuxuu leeyahay qayb labaad oo uu Denmark ku tiriyey mar kale kolkii uu isla ninkii halkaa kula kulmay.  Cirjiidh II.  Ninka kale naftiisu wuu gabyaa gabayadiisiina waanu soo heli doonaa, idam Alla.  Wuxuu ku billaabay  Xalane:

 

 

  1. Cirjiidhow colaadihi dhacee cidiba meel aadey
  2. Cishriin kama yarayn waayadaan kala cillaaleleyne
  3. Inaad caafimaad wali qabtoo cudur lagaa saarey
  4. Codadkaaga goortaan maqlaan cuurey faraxiiye
  5. Maandhow cusboonaa cindigi caadku loolshadaye

 

  1. Anse caynadaydii ma ihi caadadaad garane
  2. Madaxii cirrow oo tintii waa caddaan idile
  3. Cimri iyo da’ ila ciirteyoo cunaya jiidhkeyga
  4. Citaalkii ma taagniye dhexdaa wax i cusleeyeene

 

  1. Waxaan caday ka dhuubnaa waxaan haadda la ciyaarey
  2. Cayil iyo calool baan haddeer cagaha jiidaaye
  3. Cidla joogna ii dheer tolaan ciirsadaa ma lehe

 

  1. Waxa aan carraabiyo katlaba cidhifydaa meeri
  2. Ee aan caruuraha dad kale ugu caloolyoobi
  3. Cuntadaan ka raajici lahaa yaanan ciil mudane
  4. Inaan gaalo ciirsado ma rabin calafse waa meele

 

  1. Kala cayn Caddaan iyo madow cidaha joogaye
  2. Nina caadadii kama koriyo camal awoowgiise
  3. Cawadeenu waa geel sidaan Cawl u nahay reere

 

  1. Si kastoy u ciidmaan wax kale loo camiri waaye
  2. Hadduu calaf Ilaah nooga dhigay caano iyo xoolo
  3. Dad casrigan cabiidsada dad kale waw caqli la’aane
  4. Inaan Carab xamaali u noqdaa caydh ka door bidaye

 

  1. Calbabaas nafteydiyo intaan laba canleyn daayo
  2. Carradeeni aad baan lahaa cirirka roobeede
  3. Cirkoo da’ay dhulkoo doog camirey cimalladii hawdka
  4. Hurweynkoo ciriiraha dusha cidhifyadii buuxshay
  5. Oo coobo weynoo ritigu doobta ka cisiiyey
  6. Cillaan iyo Cadduun baan lahaa caday ka raadgooye
  7. Caanaha ka maal baan lahaa hoorka noo curane

 

  1. Geedigaan cedceedsado anoon laba caloolyoobin
  2. Ceelberdiyo Cadaadlaan ku furi ceynka raro e
  3. Haddaan cudur i daahshaa ku iman cududada xoogayga
  4. Oon caafimaad qabo ogow reerki waan celine

 

Cirjiidh II (Guji kobtantadaato)