Gabaygan wuxuu gabayaagu tiriyey bishii Juun 2006.  Wuxuu joogay markuu gabaygan tirinayo magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.  Wuxuu gabayga kaga hadlayaa xaaladda adduunku ku sugan yahay maanta iyo sida muruqu u taliyo.  Abwaan Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ka mid yahay gabayaaga Soomaaliyeed ee mucaasiriinta ah kuwa ugu horreeya oo wuxuu aad uga waramaa arimaha caalamiga ah iyo kuwa geeska Afrikaba.  Eeg gabayadiisa kale ee Ina Bushiyo Geeska Afrika.  Wuxuu ku billaabay:  

 

  1. Qaaradaha Caawaalow siday qaybtu tahay maanta
  2. Qalin iyo aqoon kuma tidcana qaabka loo dhigaye
  3. Qorigaa wax lagu eegayaa qoondahaad heliye
  4. Reerkaan qunbulad weyn lahayn waysagaa qadaye

 

  1. Wax Maraykan qaaddiga ka dhigay kali wax qoondeeya
  2. Cidi xiise uma qaayibteen qoof hadduun jirine
  3. Waa qisaasta qoonkaan ayidin qawracaa xiga’e

 

  1. Isqoofaadhintiisii Saddaam kibir isqaadqaadki
  2. Qar ka tuuryey qooquu isbidey qoodh inuu yahay
  3. Qaraxii Baqdaad iyo wixii samada qiiqaabey
  4. Qaddar gaaban waataa Ciraaq badahu qaadeene

 

  1. Haddii uu Qabbaan noqon lahaa kabaha soo qaada
  2. Oo qoorta raaricin lahaa lama qisaaseene
  3. Hilfihiiba loo qaad ninkii qaraxa weynaaye

 

  1. Iyagoo quraankii watiyo qad iyo looxdoodi
  2. Iyagoy gadhkaa qirada weyn qariyey laabtooda
  3. Qararkii ku dumey Taalibaan qawyihii ololey
  4. Tooroboora qiiqii ka baxay qaaci lagu saydhay
  5. Qiyaastooda lama koobi karo qoonki baaba’aye
  6. Qiyaamaha hortii wayagaa qaamudkood galaye

 

  1. Qarni buu jirsaday weerarkey qaadey Falastiine
  2. Halgankii qasaarow hankii guusha loo qabaye
  3. Qudus iyo dhulkii laga qabsadey lagaba qiil waaye
  4. Laga qanac inay qaran noqdaan calanna qaataane
  5. Qasabbey Yuhuud ku hirgasheen waxay qorsheysteene

 

  1. Si aan qoysna qoys oogu tagin qaybta cududooda
  2. Qoqob lagu tigtigey waygaa qooley siliggiiye
  3. Asay naagi qaaddiyo ilmada qoysey maradeeda
  4. Qabriyada fatahay geeridaan abid qaboobeene
  5. Qab la’aanta Carabeed dadaan qiiro dirireynin
  6. Quwad li’ida waa waxa darteed quudhsigaa badaye

 

  1. Qiyaasaha Qadaafiba markuu sabanka qiimeeyey
  2. Inay qayb libaax tahay ku qanac quusey tabartiise
  3. Wixii uu qarsaday waysagaa qubey rasaastiiye
  4. Qunyar socod hadduu noqon rabaa cidiba qoomeyne

 

  1. Qallacada Iraan wayadaa qaylo dhaanta ahe
  2. Qudbadaha Nijaaniyo shacbiga qiiro galintiisa
  3. Waxa uu la qalab leeyihiyo meela qaban waaga
  4. Waa qalaanqal kaa galay wuxuu qaaqda la hayaaye

 

  1. Kim Il Sungaba laga quusey oo qaadan waa aamare
  2. Gantaalaha qotoma ciidaankaa weerarka u qaydan
  3. Haddaan lagu qadarin waa horey qaban lahaayeene

 

  1. Quruumaha midoobiyo sharcigi loo qarrirey uunka
  2. La qallooci xeerkii qorraa taniyo Qaabiile
  3. Qaacada inuu qaranka kastaba jeedin karo qawlki
  4. Qisadii micnaha loo sinnaa qalinki beenowye
  5. Qar u ciiryey misaankii ay ku qodbanaayeen
  6. Quwad kaliye iyo waa qarbiga cidi qilaafeyne

 

  1. Qadhyankiisa Ruushkii wax badan Yurub ka qaylyeeysey
  2. Qalfoof weeye hoos madhan shacbiga qirada weynaaye
  3. Qurubquruba loo goo dadkii qaatay shuuciga’e
  4. Isagaaba qiilqiil ku jira qaxarka joogaaye

 

  1. Guwantanamo dadkaa lagu qabirey eedna lagu qaadin
  2. Qabka ayda nimankaa sidii qumayadii jiifa
  3. Jidh qaraaca quud lagu dhibiyo qoobka laga dhaadey
  4. Qiimigii Insaankiyo wataa qaawan sharaftiiye

 

  1. Soomaalida isqalan aafadaa qixin malaayiinta
  2. Waxaan loo qaddarineyn waxayn cidi u soo qaadan
  3. Waxa la isku qiimeynayeen qaybna ku lahayn
  4. Inta uu adduunkaa qalliban qaalmo roganaayo
  5. Qorshe iyo caqliba hayga filin quusad baan ahaye