Mahdi Jaamac Foodeey (Burgal)

Ha ku taamin Ina Yuusufow (Maarso 2007)
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Haku taamin waa tix gabay ah oo uu tiriyay  Mahdi Jaamac Foodeey (Burgal)Tixdu waxay ka hadlaysaa xaalada madow ee uu gallay wadankeenii  Soomaaliyaoo ay isu bahaysteen gaalo danno gaar ah kaleh iyo gaal kalkaal Soomaali ahoo dhuuni qaate ah,  qiimana ayna ugu fadhiyin qaranimada iyo xoriyadu.Waxay dalkii iyo dadkiiba dhaafsadeen hanti yar.  Wuxuu yidhi:         Inta taangi kugu meersanyahay Xabashi tuutaysan  Ama uu Tigree iyo Amxaar tuducyo kuu yeedhin  Torogtorogta sheekada warkaad kala tafniidaysid  Waxkastood tidhaahdaa adeer tamata’ weeyaane     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Inta wali latabayee shariif dhagaha loo taagi  Ee wixii wanaag uu tabcaday loo tixgalinaayo  Adna aad tollay’ iyo qabiil tabar ku doonaysid  Waa dhado mar kugu tiixday iyo toojo kaa gudhane     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Inta Ina Aways kula tartami tab  iyo xeeshiisa  Ama uu Illaah tuugayo uu towbada u jeedo  Adna taarig wayn tahay kufriga tanagyadow dhaansha  Waa tacab khasaar iyo halaag taad ku socotaaye     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Turki iyo ragiisii intuu kula tacaalaayo  Uu taliyahoodii wacnaa barayo taagtiiga  Tasbiixda iyo intii ay wadaan calanka towxiidka  Adigana tubaakada nin cuni kuu tahliil dhigayo     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Waa niman takbiirtiyo qur’aan lagu tacliinshaaye  Tarbiyadii Rasuulkay sitaan tuhunku waa been e  Tummaatida markay kula helaan teerigii waranka  Takar dhabasho kaagama go’ oo waad ku taab gabiye     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Taakulada Eebiyo xaqaa lagu tanaadaaye   Taageeradiisaa ka weyn gaalo loo tago ee  Tunka Bush ninkii fiirsadeen taasi garanaynin  Tagoogaha markii laga jabshuu murug la tiicaa ee     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Todobaatan baad dhaaftay iyo tiro kasiidheere  Tusbax bay sitaan odayadaad wada tisqaaddeene  Adiguna jinaad taabacdaa tooshka kuusido’e  Tahluukiyo jabbuu kula rabaa inaad tasoowdaaye   Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Tabaalaca haweenkii la baday taaha iyo ciilka   Inta duurka lagu toogtayee tub iyo ceel daadsan  Iyo dhaawac aan soo tukubin loona tagi waayay  Waa godob laguu tirinayoo adiga kuu taale     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Taariikhdu way qori warkaad tidhi dharaartiiye   Dad tacshiirad lala beegsadoo talogal loo laayay  Tabaaladii ka soo gaadhay iyo maydkii tiro beelay  Tacsi iyo halkaad diri lahayd erayo tiiraanyo  Farxaddaad ku taageertayeed caalamkaw tabisay  Turxaan tay abuurtaa ka weyn caddawga tiisiiye     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Tiftif iyo basaanimadu waa takhaluskaagiiye  Ninna tacajub kuma hayso oo waa bar kugu taalle  Kamana aanad tanaasulin wixii kugu tallaallaaye  Tantoomaynta shacab lagu tuntaad tulud ku maashaaye     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid     Tusmaday maxkamaduhu dhigeen tiigsigii nabadda   Ammaaankii ka taam galay arlada tamashlihii fiidka  Isbaarooyinkii laga tirtiray tuugadii carartay  Idinkaa tabteedii kadhigay tuulo iyo hawd e     Ha ku taamin Ina Yuusufow talo in aad haysid    Arimahaan idiin soo tixiyo maansadaan tiriyey Waa arar tixdii aan watiyo ani tacbiirkaye Iminkana tafsiil aan u galo qodobo ii taagan   Allahayoow tusaaley noqdeen maalmihii tagaye Allahayoow Islaam toosan bay nagu tijaabsheene Allahayoow taqsiintii lawaa qaadna loo taliye Taqwo iyo cibaadaa beddelay tumasho heesaade Tafsiir iyo xadiis baa baa u galay tookadii filim’e Taalooga shaydaan kuwii timaha buuraayay Manqas baa tartiib loo gashoo baray tastuurkiiye Anaa kaa tol roon iyo majiro amar ku taaglayne Hantidii la kala baadi jiray laysu soo soo tiriye Kii madaxa taagana xabsaa lagu taxaabaaye Tafaraaruqii laga baxyoo garanay tawfiiqe Tirtirsiimadiyo waanadii lagu tilmaamaayey Ummaddii ku toostoo waxbay taransadeen weyne  Qof waliba tankiisuu mar qudha taw lasoo yidhiye Tafaxaydasho iyo hawl dhabbaa tiimbad loogalaye Magaalada tigaadiyo dhirtaan waayo laga taaban Qashin tuuran laga dhawr halkuu tuunsanaan jiraye Jidadkana badhbaa daayactiran oo wax loo taraye Tammuuxiyo wixii ciid tubnayd teedkii laga qaadye Togaggay kajeexeen biyuhu laami lagu tuurye Tiirarkii dhaqaaluhu dhakhsaba taabaqaad gala’e  Toban sano horteed bay xidheen turuqya buurtiiye Tashi iyo awood wada jiraa jaray tiqraarkiiye Taakay noqdeen safarradii labo tallaaboode Tijaaradana waa laga ribxaa niniyo taagtiiye Tarab tarab badeecda ku raran tuluxda gaadiidka Waardiye dul taagani majiro ruux kol ay tahay Toorray nimaan haysan baa wada taraagiiye Tukaamaduna way furan yihiin lacagtu taalaaye Illaaladii taxnayd suuqa way tira yaraadeene Allahayoow tiraab beena iyo tookha laga roone Tayo wiilallaw kacay dhulkay talaf kayeeleene Anigoon ku talax tegin ammaan kuna talbiisaynin Tahniyad iyo salaam bay muteen lagu tashriifaaye  Hayeeshee dadbay nabar kutahay toosna aan ladine Tawreed kuwii dooriyaa furay tashwiikiiye Tannaago iyo qaylay dhamaan kor isla taageene Tolweynaha Masiixiga durbaba taararkaw dira’e Iyaguna dagaal lagu tashaday weerar soo tuba’e Qaar naga takoormay wataan ooy u taliyaane  Taran kood ba’ waa kuwo ibliis taayirkaw rogaye Waa kuwa tafiirtooda neceb oo tafaafulane Maskaxdaa tigtigan oon lahayn garasho toolmoone Tag xumida waxaay kaga dareen tayga loo xidhaye Turjubaan shisheeyey noqdeen oo sankaw tolane Kolba ammarka loo soo tirshay toos u filiyaane Madaxnimo tabtaa lagu helay toobkahaw culane Tallankoodu waa inay hadhaaw taaj u galiyaane Taamiilo kuma qaadan weli waayihii tegaye Waxa anay ka taxadarin toore uga guuri Kol haddaan intaa soo tirshoon taababkaw giijay Wax yar oon katagay baan hadana taabo leeyahaye Igu taarta maqalkiina waan idin tusaalayne    Allahayoow kufaarataysku tegay nooma turayaane Allahayoow waxaan khayr taxaay naga taftaafeene Tiriig noo iftiimaayeybay taxadka geeyeene Tiihiyo wareer bay rabaan taagan waligiiye  Inkastoo jihaad lagu tirtiray loo turqaday lawga Oo taharta cadawgii la wadhay uu tukuhu feentay Takfilay  Axmaariyo kuwii cudud ku taageeray Tacab iyo shidday nagu hayaan  xero taraar weyne Teelteelna maahoo dalkii taabe idilkiiye Takhsiir eebbe weeyaan ciddii turunturrootaaye Waxaad nagu tacsiirtana Alloow tababar weeyaane  Marna tacaddi uma haysaniyo anannu toosnayne Mar kastooy tabciyo nala damcaan taws xanuun badan leh Tukashada salaaddiyo baryada lagugu tuugaayo Tabantaabadaadaan Alloow kaga tallawnaaye  Maantana tahdiid baa jiriyo takhalus diineede Teendhada gumaysigu baryahan ruurta naga saaray Allahayoow adaa taag u lehee naga tarxiil gaalka Oo guusha taam nooga yeel taajir baad tahaye