Boggan suugaanta qoraalka ah waxaad ka helaysaa suugaan badan oo xul ah oo ay reebeen hal-abuuradda Soomaliyeed gaar ahaan kuwa aan is lee nahay aad ayaa loo xiisaynayaa.  Waxaad awooddaa in si dhibyar aad u galshogoosatid maansooyin ay mariyeen rag badan oo ku ciraystay halabuurnimada kuwaa oo isagu jira  kuwo hadda nool oo wali abuura maansada iyo kuwo sabbano horre aakhiro u jahaystay.
Iyadoon lasoo koobi karin ragga aan maansadooda si gaar ah u darsi doono, ayaan haddana waxaa hormuud ka ah akhyaarta aad halkan ka akhrin kartid ama ka dhagaysan kartid Cabdullaahi Dhoodaan, Sayid Maxamed, Cali Oday, Bidhiidh, Qaman Bulxan, Maxamed Cumar Dage, Raage Ugaas, Aw-Yuusuf Barre, Faarax Caytame, Maxamuud Cali Beenaleey, Cabdi Saahid, Maxamuud Cabdi Kaadheeri, Singub, Dharbaaxo Jinn, Saahid Wayrax,  Nuur Jiir, Ismaciil Mire, Calidhuux, Gandaal, Fakad, Khaliif Sheekh Maxamuud, Cabdi Galayax, Salaan Carrabeey, Afqalooc, Timocadde, Abshir Bacadle, ikk.

Waxaa xaqiiqo ah in aad is leedahay tollow maxay hebel ama hebel magaciisa u xusi waayeen, kaligaana ma aha ee dad badan oo kale ayaa laga yaabaa inay is waydiinayaan sababta loo xusi waayey abwaano kale oo laga yaabo inay qalbigooda aad ugu dhow yahiin.  Haddaba la soco akhristooy in ay adag tahay in la wada xuso ragga maanso-ruugyada ah ee Soomaaliyed.  Haddii uu jirro qof aad si gaar ah u xiisaynayso aadna jeceshahay in maansooyinkiisa lagu soo bandhigo doollo.com, waad noo soo diri kartaa, waanuna soo daabacaynaa sidda ugu dhaqsaha badan, Idam Alla.  Maansooyinka aan muhiimadda gaarka ah siinayno waxaa kamid ah kuwa aan is lee nahay aad looma maqal ama waxaa dhici karta in dad badan oo akhrintooda xiisaynaya ay jiraan.  Gaar ahaan kuwa dhaqanka bulshada Soomaliyeed ku taxaluqa, kuwa gumaysi iyo gardarro diidka ah, kuwa nabadaynta iyo khilaaf dhimadda ummada Soomaliyeed ka hadlaya, kuwa muhiimadaha taariikhiga ah leh, iyo kuwayoow kale oo badan.

Waxaan rajaynaynaa inaad ku qanci doontid dhamaan dhinacyada kale duwan ee nolosha insaanka la xidhiidha sida taariikhda, suugaanta, dhaqanka iwm ee uu hoygani uruuriyo.

Ujeeddo aan ahayn uruurinta, kaydinta iyo darsidda suugaanta miigan ee Soomaaliyeed oo aanu ka leenahay hoygan ma jirto.

Akhris iyo dhagaysi wanaagsan.

Wixii fikrad ah noo soo xuli mail@doollo.com

Mahadsanid

 

Maxaa loo Gabyaa?

  • Geeraar waa nin wanaajiyo
  • Ninuu waraar kaga oodmiyo
  • Nin sidayda warkiisiyo
  • Wacdigiisa yaqaana

Raage Ugaas

  • Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada e
  • Kasha muran kuyaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye
  • Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe
  • Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga
  • Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage
  • Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
  • Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey
  • Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
  • Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba
  • Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado
  • Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
  • Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho

Dhoodaan

  • Gabay aan abuuraa hadduu, aniga ii muqdo
  • Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abaaraaye
  • Ayaan kale astaan lehee waxaan, arar ku faaleeyay
  • Ruuxii aftahan loo yaqaan, ama abwaan sheegtay
  • Wax if jirra wax aakharo jirriyo, waxaan la eeganba
  • Waa inuu ogaadaa siddii, uur-ku-baalaha ee
  • Aadmiguna sidduu aawilaa,dhaaxba la arkaaye
  • Amin soo socdaa wuxuu ahaan, waan odorosaaye

Dhoodaan

  • Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye
  • Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone
  • Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe
  • Dardarsiintu way u daran tahee, marin-daygaa u roone
  • Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’a weyn tahaye
  • War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni ahe
  • Sidii hees la darandooriyiyo, koox la dananaysa
  • Durbaan muusig ima daahiyiyo, duul xafida wiige (week)
  • Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo tumo e
  • Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda guradeeda
  • Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka daayaaye
  • Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye

 Dhoodaan

 

  • Awel maanso waa taan balfoo, beylahshoo nacaye
  • Waa taan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e
  • Aan booyaamo xalay baa hurdada, layla baashiraye

 

  • Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye
  • Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise
  • Barkadaha balaqan iyo balidda, madhan aan buuxdhaafsho

 

  • Aan butaaco sida karadha wa, bu’ashadaydiiye
  • Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohol ah oo jeexan
  • Buurtiyo bannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo

 

  • Afartaa bogtaye bal aan mid kale, baabka ka higaadsho
  • Halkay bedeli laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo
  • Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo

 

  • Baruuddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo
  • Aan bulxamo siddii badaha oo, baxarku qiiqaabay
  • Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa

 

  • Baabuurka aan dhoofsho, waa bixitimaayaaye
  • Aan bandiiradiyo calanka iyo, bayraqa u taago
  • Bishaarooyinkii Eebahay, baarax aan u sheego

Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 

  • Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin
  • Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin
  • Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma yeeshaanee

Yuusuf Qabiili

Dhawrkaa tixood een kor ku xusnay waxay tusaale u yihiin ujeedooyinka badan ee ay abwaanada Rabbi u dhibyareeyey samayn gabayga u gabyaan.  Waxaa la odhan karaa Soomaalidu waxay gabay ku sheegtaa ujeeda kasta oo qofka insaanka ah qalbigiisa kusoo dhici karta.  Maadaama ay Soomaalidu tahay dad af-maal ah oo aad ugu tiirsan war aan qorayn oo inta afka uun laga yidhaahdo la xafido oo  la is gaadhgaadhsiiyo, gabaygu wuxuu ahaa nooca ugu hufan ee arintaa lagu guto.  Maahmaahda, dhaantada, guurowga, heesaha, buraanburkuba, geeraarka, masafada, iwm waxay ka mid yihiin kuwayaalaha gabayga la bahda ah ee qofku ku cabiri karo dareenkiisa.

Haddii aan soo koobno, mawduucyada gabayga keena ama gabyaagu inta badan ka gabyo waxaa horay kaga jira: waanada iyo wax-u-sheega, wacdiga iyo Alle xusuusinta, hanjabaadda, gubaabada, dagaal galinta, digashada, dardaaranka, difaaca,   dirediraalaha, hal-xidhaalaha,  jacaylka ama nacaybka, kuhaanka, ammaanta,  cayda, calaacalka, habaarka, madadaalada, maslaxa abuuridda, faanka iyo kuwa kale oo badan.

Gabay kasta oo aad akhriso ama dhagaysato bal waxaad isweydiisaa ujeedada abwaanka ku kaliftay inuu gabaygaa sameeyo.  Waxaa dhici karta inaad si dhib yar u aragto ujeedooyinkan aan kor ku xusnay iyo kuwa la mid ah oo ku xambaaray abwaanka inuu gabyo.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment