Colaad, Fakad, Gandaal, Makayte, Fidhin, Maxamed-daahir, Garabeey, ikk  vs. Banfis, Dheeg, Bashiir, Qaasim, Caynab, Cabdikariim, ikk.
 

     Ogaadeen
Yuusuf Colaad
  Dood Waayeel
  Sagooti
Xasan Garabeey
  Ciil u dhimo
Axmed Makayte
  Olal Reema
  Dul-Fakhaar
  Hujuun
Gandaal
  Digasho
Cumar Fakad
  Dur-Dur
  Daarood ku fuul
  Gantaal
  Hurgumo
Maxamed-daahir
  Gantaal
     Isaaq
Cali Banfis
  Raamaale
  Kudkude
Dheeg
 
Bashiir Ismaaciil
 
Maxamed-daahir
 
Qaasim
 
Raggaa gabayadoodii soo raadi oo noo soo tebi
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabayadan ay nimanka Isaaq iyo kuwa Ogaadeen isugu jawaabeen waxaa 1979kii billaabay nin la yidhaahdo Cali Banfis oo Isaaq ah.  Wuxuu gabayadiisa badankooda ulajeeday dawladii Maxamed Siyaad, wuuse marin habaabay oo Soomaali oo dhan ayuu ku jaa’ifeeyey.  Qoys Soomaaliyeed oo uuna Cali Banfis wax ka sheegin Isaaq ma ahee ma jirin.  Rag Maxamed Siyaad mucaarad ku ahaa oo aad iyo aad isaga uga culus oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Dhoodaan loogana bartay inay ka gabyaan qaddiyado sare oo Soomaali u dheexeeya danna u wada ah ayuu sidoo kale ku af-lagaadeeyey. Gabayga Cabdullaahi Dhoodaan ee Garnaqsi la yidhaahdo oo gabayada ay Soomaalidu tirisay kuwa ugu murti badan uguna qodoba culus ku jira ayuu is yidhi ka jawaab.  Garnaqsi wuxuu ahaa 1974kii, xilliga Cali Banfis isleeyahay ka jawaabna waa 1980kii.  Bal adigu caqliyadda arintaa ka dambaysa inaad fahamto isku day!  Waxaa taa ka daran, Garnaqsi Cali Banfis iyo reerkiisa midna ma khuseeyo ee waa xujo iyo dood ku wajahan Maxamed Siyaad iyo dawladiisii.  Bal macnee gabayga Faarax Xuseen Sharmarke loo tiriyey ee uu Faarax Nuur ka jawaab is yidhi! 

Maxamed Siyaad iyo Dhoodaan waa laba nin oo Soomaaliyeed oo reer ahaana Daarood wada ah.  Hadday garramaan iyo haddii ay is gardaraystaanba Cali Banfis wax door ah oo uu ku leeyahay doodaa majiro.  Kolkii ay niman Isaaq ahi waydiiyeen oo ay yidhaahdeen war maxaa Dhoodaan oo aadan la sinayn kuu geeyey oo sheeko aan ku khusaynin iyo dood aadan ehelba u ahayn aad faraha ula gashay?  Wuxuu ku jawaabay ‘waar waan sharkhaansanaa dee markaan gabayga tirinayey!’  Dabadeed waa tii ay soo baxday:

Sida kii sunbaacada qudhmuun siriray ee daacay
Dabadeed sarkhaan baan ahaa iigu sabab sheegtay
Ninkii gabaygu surinkuu lahaa sin uga leexshaaba
Waa sanaf sabbaaxadi dhashoo Ina-saliid weeye

Ninka la yidhaahdo Maxamed Sheekh Axmed Oogle oo ku magac dheer Makayte isagoo la yaaban Cali iyo duulduulkiisa waa kii lahaa:

Orgiyahow adoo waalidii, alamba duulaaya
Aar miciyo dhaadheer adaa, galay afkiisiiye
Adhaxdiyo hadduu kaaga dagay, oofta feedhaha e
Haddaad ee’ataan sida riyaha, kaa aqbali maayo

Mar kalena isagoo la yaaban itaal gaabnida garashada Cali Banfis waa kii Makayte lahaa:

Aqli iyo aqoonxumo darteed, inamadii heesay
Ee or iyo jiib lama filaan, uunka maqashiiyey
Misna oobarayn kale galow, laydinku ogaaye
Inyar iyo in badan toona, khayr laydin ka idleeye
Abdayahay adduun laga gudbaad, idinku joogtaane

Yuusuf Colaad oo isna laba gabay ugu jawaabay Banfis oo aad ula yaaban bal ha gabyo hadduu rabee waxa uu Dhoodaan afka ula gaadhay ama uu gabay uusan jawaabtiisa lahayn, karinna ka jawaab ugu dheelalaabay waa kii gawriyey Banfis ee lahaa:

Dhoodaan Duquu la hadlayey iyo, wuxuu dareemaayey

Dana sheegadkoodii adoon, lagu dubaaqaynin

Bal inaad Doxore waalan tahay, waxaa daliilkeed ah

Meel aan laguu diranin yaad, soo dafleedahaye

Rag badan oo halabuur leh ayaa gabayo iyo geeraaro mucaarad ah ku haalufayn jiray dawladii Maxamed Siyaad.  Laakiin raggaasi waxay ahaayeen rag yaqaana gabayga iyo xeerarkiisa, xilliga ay haboon tahay in la tiriyo, cidda ay tahay in loo tiriyo, iyo haddii gabay lagugu maago waqtiga ugu haboon ee ay tahay inaad ka jawaabto.

Cali Banfis ragga u jawaabay oo dhan waxay caddeeyeen inuu ka habaabay hilinkii toosnaa ee gabayga.  Waxay ku qireen daba-dhilifnimo iyo in shisheeye  ku adeegato, qaranka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeedna uu lid ku yahay.  Raggaa waxaa hormuud ka ahaa Yuusuf Colaad oo in badan ku waaniyey Banfis inuu fidnada umadda Soomaaliyeed kala dhex baxo kalena saaro Siyaad Bare iyo qaranimada Soomaaliyeed siddiii ay Dharbaaxo Jin, Dheeg, Cabdille Raage, iyo Cali Cilmi Af-yaraba u waaniyeen Khaliif Sheekh Maxamuud oo isna isla xilliyadaa Itoobiya gabayo kasoo diri jiray. Gabayga Dood Waayeel ee Yuusuf Colaad waxaa ka mid ahaa:   

Inta kaleba daayoo halkanaad, dad ugu faanayso

Adigoo Riseef baa la degay, dunida gaadhsiiyey

Doolaab cad adigoo xidhiyo, dun iyo weerkeeda

Nimanbaa Illaahay u diray, dawladihii Yurub e

Dagta calanka Biixigii ku siday, waad la dirirteene

Shirkii dooxan lagu qaatay, ee la is difaacaayey

Yeydiin dirsaday waadigii, dooda ku lahaaye

Lixdan sano dib noo dhiga kuwii, doonayaad tahaye

Maantana diyaar waxaw tihiin, saad u dumisaane

Allaaba waa difaac aad gashiyo, dirirtii maandeeqe

Dabar iyo luggooyaad ku tahay, daa’inkaa abide…

Dalkii waan xoraynaye ragbaa, loogu dowgalaye

Dabadhilif sidaadaa Calow waa, dareemada e

Guud ahaan, gabayada isu jawaabta ah ee Soomaalida dhexdeeda ku faafay kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Silsiladda Rayad.  Gabayadaas abwaanadii ka qaybqaatay ninba marbuu gabaygu usoo gali jiray marna wuu ka xidhmi jiray.  Marka uusan gabaygu usoo galin ninna iskama tirin jirin wax darooryan ah oon meella haysan.  Waa kuu Qamaan Bulxan dhalliilay Maxamed Fiin oo uu tuhmayey inuu ku degdegay gabaygii uu tiriyey, Qamaan oo jeclaa in isaga iyo Cali-dhuux la isu daayo waa kii lahaa:

Hadalka waad gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline

Gam inaad tidhaahdaan damcoon, Cali garaaxaaye

Naagtii ganbada taabatee gacanta, loo maydhay

Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?

Sidoo kale Salaan Carrabey Silsilada Rayad kuma jirin mana rabin inuu soo galo.  Wuxuu  u arkayey diradiraalaha Cali-dhuux inuusan mudnayn in waqti kaga baxo hase yeeshee markii Cali-dhuux qoyska Salaan gabay qadaf ah u mariyey ayuu Salaan soo galay oo tiriyey gabaygiisii ahaa Haadaaqsi.  Meersiyada Cali-dhuux ee Salaan ku kalifay inuu soo galo taxanta waxay ahaayeen: 

Nimankaan haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa

Kolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane

Nin waliba hadhuub buu toshiyo, haamo gooniya e

Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane

Dabadeed, Salaan waxaa waajib ku noqotay inuu qadafkaa ka jawaabo wuxuuna mariyey gabaygiisii dheeraa isagoo Cali-dhuux ku leh waa taad haween nagu xustaye haad ma ku cunsiiyey.  Ogow Salaan haddii aanu heli lahayn albaab ama qodob uu gabayga kasoo galo ma gabyeen.   

Haddaba haddii uu gabayaagu mid macno leh yahay waa inuu u miidaan dayaa gabaygiisa si uusan dhibaato usoo jiidan.  Banfis intaa wuu garan waayey, wuxuu soo dhoofiyey dhawr gabay.  Waxaa kolka u jawaabay rag door ah oo iyagoon is ogayn midba saacaduu maqlay gabayadiisa jawaab degdeg ah ka bixiyey.  Dabadeed isna waxaa lasoo saftay rag kale oo kuwa aan magacyadooda kor ku xusnay ay ka mid yihiin.  Kolkaa ayey silsiladdani guntantay.  Ragga aan gabayadooda wax ka helay waxaa ka mid ah Xasan Garabey, Yuusuf Colaad, Makayte, Fakad, Maxamed-daahir oo aad gabayadooda kor ka dooran karto.  Waxaa kale oo ka qaybqaatay Fidhin, Axmed-nuur iyo kuwo kale oo aan wali gabayaddodii raadgoobayno.  Dhinaca Isaaqa waxaa soo gabyey Cali Banfis, Bashiir Ismaaciil, Dheeg, Qaasim, Caynab iyo kuwo kale.  Iisoo dir haddaad gabayadooda wax ka hayso.

Dhoodaan wuxuu u arkayey Cali Banfis wax ay isaga daadsan tahay oo dayeysan sidaa daraadeed ma xaalaynin warkiisa.  Waxaad moodaa inuu raacay falsafadii Maxamed Cumar Dage ee ku wajahnayd Quule Indhoole ee ahayd:

Afka nin isku weynaynayoo war iga doonayaa

Oon waalidkii ila sinayn, sii wadwadi maayo

Wacadkii Illaah baan maroo, waafiyeyn mahayo

F.G: Hadda ka hor waxaan akhristayaasha u sheegnay inaan silsiladda magaceeda raadinayno inta aanu ka helayno magacaana aanu si ku meelgaadh ah Olal Reema ugu yeedhayno.  Waxaanu soo xaqiijinay in dhinac ka mid ah labadii dhinac ee ka qaybqaatay taxanta ay u bixiyeen Daarood ku Fuul.  Magacaa ayaanuna ugu yeedhaynaa hadda wixii ka dambeeya.  Meeriska magacu maro wuxuu ku jiraa gabayga Fakad ee ah Daarood ku Fuul, wuxuuna yahay:


Daarood ku fuul kaama dego, daayin abidkaaye

Intaad dunida nooshahay anunbaa, duudka kaa rarane

Dacay adag waxaan kuugu xidhay, daalinbaad tahaye

Haddaan dabarka kaa furi lahayn, amaanu kaa dayno

Duunyadii waraabuhu cuniyo, daayacbaad noqone

Dalanbaabiyahow meel xunbaad, dalaq tidhaahdaane

Nin Amxaaro Daafida u karin, amase Doofaarka

Dabeecuu u leeyahay Isaaq, gaalo daba jooge

Dillaal iyo hunguri waa wixii, dilay awowgoode

Dalkay gadan lahaayeen haddaan, lagaga deyrayne.

Haddii aad og tahay rag kale oo ka qeyb qaatay taxantan ama ee maqashay magac dhinaca kale u yaqaan silsiladdan nala soo socodsii.

 

Dhinaca bidix ee kore ka dooro gabayada silsiladdan ka mid ah wixii aanu hadda hayno.

  
 
 
 
 
 
Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment