Cajal taariikheedkii 2aad ee Cabdullaahi Dhoodaan duubay halkan ka dhagayso isagoon dhacdo iyo gabay walba gaar ahaan kuugu soo qaddimay

The largest online collection of Somali poetry

Intiinii la socotay waxaan dhawaan idin soo gaadhsiinay cajalad uu duubay Cabdullaahi Dhoodaan oo uu ku toosinayey khaladyo badan oo taariikhda  laga galay iyo suugaan badan oo la marin haabaabiyey.  Waxaan isla xilligaa idiin balan qaadnay inaan ka shaqaynayno soo hellidda cajal kaa la mataan ahaa.  Waxaan idiinku bishaaraynaynaa inaan middii labaadna gacanta kusoo dhignay oo aad halkan hoose ka dhagaysan kartaa.  Dhagaysi wanaagsan.

Maxamuud Oomaar Xarbi Ismaaciil Maax Dhagoole
Guba 2 Cali Daya Iidoor
Boobaay Xarbi vs. Qawdhan Qaar Cayuun
Meel xun Kamandhu…
Camanje Yogol Cali Oday Maxamed Dheere
Namiimiye Cali vs. Weerar G. Max’d vs. Weerar C.
Halxidhaale Halac Dheere Gunaanad
Dulmar Kooban Gunaanadka cajalka

Gabayadan oo qoraal ah ayaan soo sidnaa sida xamaalkii .  Ha u daymo la’aanin inaad qoraalka ka libaysato oo aad akhriska iyo dhagaysiga kolba mid ku nasato ka dib markaan kusoo giraangirino.

Tixihii Maax Dhagoole bal kusoo dhawow:

 

Maxaa Dhagoole ayaa gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, iyo Beenaleey loo geeyey kolkaa ayuu isna wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno: 

  • Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore
  • Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye
  • Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane
  • Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee
  • Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede
  • Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge
  • Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye
  • Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone
  • Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye
  • Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe
  • Ilamahan galabtuu iman, aabihii dhalaye
  • Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore
  •  …

Mar kale oo uu gabay dhinaca Isaaq u diray waa kii lahaa waa inta aan hayno ee: 

  • Iidoor qardoofaan lahayn, tan iyo Qaabiile
  • Qasrigaasu waw kala xidhnaa, qolada Daaroode
  • Waxaanse qoodhihii jaray, markaan Qaar-cayuun idhiye
  • Ma kitaab Quraanaan ka dayey, qeexanaa hadalku
  • Hadda uu qaliil kama baxoow, qeyd macaash yahaye
  • Hadda uu qar ooddan iyo sool, qaali mariyaaye
  • Hadda uu qaraamaad ka guran, qollada Hiiraane
  • Hadda uu qashwado fool xun iyo, quluc biyeystaaye
  • Hadda uu quddaha leefayaa waa, qorqodihiiye

Markii kalana waa tii laga soo wariyey: 

  • Milix keentayaa iyo adhyaha, marin ka doontaaba
  • Macaluul wax kagama dhintaan, macawisaalowe
  • Malax badane siddii Moor garba la’, min isku heeryeeye
  • Mantag celiye miir daaca-qudhun, kala musbaaxayste

Gabaydaa dhex mari jiray nimankii Isaaq iyo Maax Dhagoole waxaa ka mid ahaa mar ay qolo hadal usoo fareen Maax oo ay yidhaahdeen: 

  • Sin baneeye bawdkiyo habraha, bari ka sheekeeye
  • Barin goon leh iyo meel banaan, boodhka kala xaadhe
  • Bisqinyaha habaaskii galay, dib uga baandheeye
  • Halkuu baadi doonkii ku helay, boodhka ka afuufe

 Markaa ayuu Maaxna u caliyey: 

  • Kalya cune kalluun xadhig ku dabe, kuudud qumayaale
  • Muslinka oo karuurkiisa dhama, kiishad madhan hayste
  • Koran xabagi oofaha jartiyo, nirig kabaalayste
  • Kub habaasle waagii barayaba, kadinka taagnaade
  • Meeshiyo kaxdii Dhoobo Weyn, kolay la meerayste
  • Wax karkariye dheef laga kibriyo, madaxyo kiikayste
  • Kuraantiyo intuu madaxa cuno, kalalax maadoole
  • Kanbal reer intuu yuurursado, meel xun kamandhuudhe
  • Siddii nirig kaliilada lahaa oo, hal loo kiciyey
  • Kamiintii hunguri buu qabaa, kadan lasoo roorye
  • Kayntaa markii uu u baxo ee, ka kale doonto
  • Kunkii la cadcadaab ma u eg yahay, kadaf godkii waayey

Gabayada Maax ee kale bal soo raadi.

 

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment