Home

 

Ararsame dalkiisii ka carar

                                                    Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

 

Daraawiishi kolba meeshii ay doonto ee tabta dagaalka ku habboon ama xoolaha u roon ayey degi jirtay haddii aan colaadi u diidin.  Doollo iyo Ciid ayey xamaanteeda Daraawiishi ka uruursatay shirqoolkii Sayidka in lagu dilo loogu talagalay iyo Gondogooyo oo dabasocday ka dib.   

Mar kalena waxay Daraawiishi iskeed uga guurtay Nugaal iyadoo degtay Ayl iyo degaanka ku hareeraysan.  Markaa dambe ee ay Daraawiishi Nugaal ka guurtay ayaa dad badan oo kasoo horjeeday waxay baafiyeen in cabsiyi kaxaysay, Nugaalna aanay Daraawiishi kusoo noqonaynin.  

Muddo gaaban ka dib ayey Daraawiishi dib u soo noqotay, Nugaal oo dhanna isku balaadhisay.  Ninkii afxumo horey Daraawiish u taartay, kii dakano ka qabay iyo dabadhilif oo dhan ayaa Nugaal ka baynuunay.  Markaa ayuu Sayidku gabay aan intan hoose ka helnay tiriyey.  Wuxuu yidhi: 

·        Ararsame dalkiisii ka carar, door ahaan jiraye

·        Deexdi Nugaaleed ka baqay, doora weynuhuye

·        Duuflaale goortii colaad, loola daaljiraye

 

·        Dul jooggii badnaa baa eryiyo, dooyadii farase

·        Diide oo fakade waa waxay, dir u lahaayeene

·        Kala dide finiinkii sidii, deero iyo cawle

 

·        Durdurka iyo darantii ma galo, deebluhuu dhaqaye

·        Daaraan ka siman ceelashii, darayda weynaaye

·        Derbi baan ka riday Ferenjigii, dooraduu dhigaye

 

·        Dabcigayga uun baan aqoon, duunka uu yahaye

·        Sidii dowra mudaha waxaan, dibedda meeraayey

·        Dabaqaan la helay gaalo waan, damacsanaa show e

 

·        Dabool igama saarnayn inaan, degayo Ceelgaabe

·        Dib wuxuu ahaan lama ogayn, deeqa Eebbahaye

·        Daliilkaa nin ragi wuu ogaa, doqonna moogaaye

 

·        Dan u guurka maantaan arlada, shalay dawaafaayey

·        Dacwaddoodu waatay ahayd, durug wadaadkiiye

·        Dadow maqal waxaan soo dul furay, dararkii Caymeede

 

 

 

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.