Home

Gabowga  

                                                  Raage Ugaas

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Raage Ugaas oo u bartay in dadku yar iyo weyn, sokeeyey iyo shisheeyaba warkiisa qadariyo wax Alla wuxuu qof kale ka mutana horay loogu fuliyo ayaa dareemay in kolkii uu gaboobay xaalku is bedelay oo  ixtiraamkii hore ee loo hayey wax iska dhimay.  Nin xarago iyo is dhawr badan, dadku tilmaansado markii uu heeladka soo galo,  socodka iyo reerka oo meel shishe degan u dheelmadkiisu nin uusan dhibin,   nin dhiilo iyo colaad u tooghaya oo marwalba hubaysan ayuu ahaaye wuxuu haatan is arkay isagoo laf dhabartu liicdaybuu, inuu dhexda dhawr jeer ku nasto oo lug danbeediyo mooyee wuxuu is arkay inuusan sidii hore u faranfardayn karin, wuxuu kaloo is arkay isagoo ul miciinsaday salabkii kale oo dhanna tiiriyey.  Kolkaa ayuu xusuus dib ugu noqday adduun suu ahaan jiray iyo xaal maanta sida uu yahay.  Wuxuu tiriyey gabay ay naga soo gaadhay intan yar ee hoose oo wuxuu yidhi: 

  • Intaan khayli dhuugyaha cas iyo, dheeg wiyil ah qaatay
  • Ee dhalaanka aadmigu u baxo, sidatan lay dhawray
  • Kolkii horeba dhererkii miyaa, dhabarkii soo gaabtay
  • Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibin ah
  • Dhabbe reero qaadeen miyaa, laygu wada dhaafay
  • Ushaan dhaabin mooyee hubkii, ma iska wada dhiibay
  • Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa, dharabo ii diiday
  • Kuwii aniga ii dhaxay miyaa, dhimashaday dooni
  • Dhuuniga i siiyaay miyaan, sidda dhalaan ooyey
  • Waxan dhawrsan jiray ceeb miyaa, igu dharaarowday
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.