Home

Salaan Carabeey

                                                              Isaaq

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygii Salaan Carrabeey ee Guba 2

  • Haadaaqsi gabay waaya dheer haansa ma lahayne
  • Hiirtaanyo godobtaan ku nacay hibashadiisiiye
  • Hawaala warran mooyee si kale wawga haayiraye
  • Goortaan hammiga gaabsadaa layla hiishadaye
  • Hadba nin igu haansaday anow hela jawaabtiise
  • Dhaaxaan mid hanaqaad is biday so hoggaan baraye
  • Tixdaan hiddiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye
  • Hal abuurka layguma hiigsado soo hadaaf baxay
  • Hooyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe
  • Haasaasahaa laga gartaa hagar la'aaneede
  • Mar haddaan hullaabta iska rogo soo hankaabsadaye
  • An hawadiyo hoosada Burciyo Herer ka geeyeene
  • Kuma hiilo heeliga fulaa la handabeeyaaye
  • Anse waxaan haagaag uga marshaa heel la ii wacaye
  • Inaan oday hangaafa ah noqdiyo haydhaf la i moodye
  • Hig ma siiyey hawraarta way kala halleeyaane
  • Heeraabta ma u dhigay intaan heesna daba joojey
  • Maansaba hogbay leedahee meel ma ka habawshey
  • Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
  • Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay
  • Halaq didaya waw halis nimuu boqon haleelaaye
  • Waabeeyo lama hoorsan karo huurtayoo kariye
  • Wiyil lama hunjaalliyo adoon hootana u sidane
  • Laga haarri hooriga libaax soo hamaansadaye
  • Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sida e
  • Hayinnimo markii lagu arkay haragga saareene
  • Hoobaaq mid waw qodi jirey heegadiyo roobka
  • Baddoo huguntay hoorriga sabaac ee lagu halaagmaayo
  • Bal maan hakiyo hir u laacaybaan ku hafin doonaaye
  • Caloow laguma helo geel sidaad u handanaysaane
  • Qabiila hindiyi maalinbay ka hinjisaa duule
  • Idinka hoostay meel uun haddaa hollin lahaydeene
  • Hadhuudh daatay idinkaa ka qaday haqab la'aaneede
  • Damal Haajihii laga hirqaday ways hunda ogeyne
  • Waatii lagaa hiray adoo qaba hammuuntiiye
  • Huwan maraga waatay ahayd hadhaci waabnaaye
  • Hadiyad miyaw bixiseen nafta unbaa hamadiseene
  • Nin sagaaro heetaynayoo haaban kari waayey
  • Oo aan hunguri waa shiddee had uga yaabaynin
  • Haawaydu kama maaranteen heejigaa dhalaye
  • Haleelada ma daayeen nin cunay hilib ugaadheede
  • Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
  • Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha
  • Mar unbaad u heensayn lahayd hawl yaraan subaxe
  • Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede
  • Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene
  • Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye
  • Habarwaana waa kaa hingilan labadii haamoode
  • Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad hilib wadaagtaane
  • Waa kaa hayaankii ku dhacay Hobyo iyo xeebe
  • Ararsame ma haybsado nugaal hogashadii ceele
  • Hanas iyo abaar kulul adoo habaqle soo guurey
  • Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede
  • Ka hulleele Hagar Aadankii hoobalayn jiraye
  • Adunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
  • Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
  • Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay
  • Habar Yoonis waataa hantiday haradii Ciideede
  • Iminkay Hundiyo reer fureen harawidii Faafe
  • Intay hootadii garab dhigeen himidhna loo geeye
  • Ku hinjiye colkay humin jireen Caliyo Haaruune
  • Wax Ammaadin webigaw hardiyey harabku waa khoofe
  • Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye
  • Huubhuubsigii lagu idlee horintii Jeeraare
  • Nimankii hawada weyn lahaa haatan lagu leefye
  • Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadii Ceel Fuude
  • Hayruufka Dalal bowga dhiman hegerbi Daaroode
  • Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane
  • Haydaaro cadaw looma turo heermay boqontiiye
  • Ma hanbayne dunidii hantiye tan iyo Hiiraane
  • Adunbaa hinaasiyo u jilan haawis iyo ceebe
  • Haadaa qabiiliga Isaaq hibo Ilaah siiye
  • Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
  • Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
  • Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede
  • Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey
  • Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay
  • Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye
  • Waataa hareertaada Bari looga hoy dhigaye
  • Wax hortiina lagu maalayaa kii Hagoogane'e
  • Humbanidan Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
  • Habqankii firxaday Gorod Xirsaa caydh hadaadumaye
  • Iyagaa hiraabtiyo kallaha hiirta waaberiye
  • Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey
  • Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye?
  • Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
  • Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay
  • Inkastoo habkay gobi lahayd hadiyad loo daadsho
  • Huunbaaqsigu uma ekeeyn Habar Majeerteene
  • Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay haarihii Muduge
  • Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede
  • Hebednimada qaarkeed aday kuu had noqotaaye
  • Bal inuu hanfade waalan yahay habi la'aantiisa
  • Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu humay colaadiisa?
  • Ninna haybta kuma raaci karo hooyo aan dhaline
  • Hogagelise cadawgaa bahdiin u handanayseene
  • Iminkaad la wada huudanteen hohiyo waydiiye
  • Habaarkii la hele reer Taleex hiifkii loo qabaye
  • Ku habli'idin hebel toogadaad dad u heshiiseene
  • Waa taa shisheeyuhu hantiyey ma hurtadiiniiye
  • Nabsaa ku haya hagardaamo gacal hadimadeediiye
  • Inkastuu higaad qabo haddaan anigu soo haabto
  • Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu habaabaye
  • Xaajada badhbaa la hojiyaa huga la saaraaye
  • Haasaawuhu uma ekeyne wuu hadadafaayaaye
  • Hula xumada uunkoo hurduu col u horseedaaye
  • Hoosiisku waa qaadi jirey belo hugmaysaaye
  • Waa kaa hilaacii u baxay haatufka ahaaye
  • Kol uunbuu hilawluhu u tumay heello iyo jiibe
  • Dadka kale tashiga waa hojaa kay hadhaw noqone
  • Waxaanu hubsan reer Cali Geraw haa dhawaan jiraye
  • Waa wuxuu wadaadkii ku hodey Habar Saleebaane
  • Ayagaa hoggaanka u ahaa hororkii waagiiye
  • Halligaa markaad sheegateed hulakadaynaysey
  • Waa taad Bah Geri huudiddeen hanadadoodiiye
  • Kuwii Boqorka hadateediyee hiijiyaad tahay
  • Haarti aa badeen baa khaligu hiifayaa weliye
  • Maantana hannaankaad waddaa waa halkii abide
  • Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
  • Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
  • Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede
  • Iska hadhaye aakhiraba waa lama huraankiiye
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.