Home

Ismaaciil Xirsi Guuleed (Isaaq)

                                                                             Deyn Qaad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Afar maalmood ka dib, sida la wariyey, waxaa gabaygii Cali Dhuux ka jawaabay silsiladiina soo galay Ina Dubbe oo yidhi:

 

  • Deyn qaadka gabay waa xun yahay, dira-diraaluhuye
  • Duq gaboobay waxa u roon afkii, inu daboolaaye
  • Marse haduu duleeddada ka ciyo, waa darxumo weyne
 
  • Damenaanse Caliyaw rag waa, laga dambeeyaaye
  • Darbo waxaad Islaam kula jirtoo, dab isu dhiibtaaba
  • Dux ka guro dib uun baad u dhiman, duuga weligaaye
 
  • Dersi sidaanu nahay oo ciyoon, lana duqeynaayo
  • Daandaansigaagii ka baday, digada xoolaaye
  • Dacwiga jooji yaan eebahay, dawdar kaa dhigine
 
  • Ninse dulmiyay Ogaadeen, hadii cidi ka doonayso
  • Dunjigeeda Soomaalidaad, ugu darnaydeene
  • Duuflaal wadaadkii noqdaa, dawo ahaydeene
 
  • Idinba waataa dubaha Reer Subeer, daan ku jabiseene
  • Idinkaa Dannood iyo ka hiray, degeladoodiye
  • Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
  • Deegaanta Haradoo dhanbaa, dacar ku deehdeene
 
  • Deex iyo madheedh kama baxaan, gorayo daaqayne
  • Doogoo gabaabsiyey haadii, dayrta la idlaysto
  • Laaskuu u dalandooliyaa, daar ka dhigateene
 
  • Dixdii Qarandi waataa khalfado, dab u samayseene
  • Dunbuqaa ka soo jeediseen, loogu degi waaye
  • Dararkii Camuud baa shan mayl, doho ka siiseene
 
  • Sidii daamur waatii gargaar, duuf ka soo uraye
  • Dhagaxii Mataan lagu dugsiyay, deyrki lagu meershay
  • Jeer aan daqiiqaha ka dhigay, Doollo laga caagye
  • Hog dheer baan diniin laga cabayn, duraha jiilaale
  • Waa taan wadaan qudha la darin, toban diraacoode
  • Docnaba looma qoyn jeer aan, degay afmeerkiiye
 
  • Darandoori looguma horayn, dararka Gaafawe
  • Dukaanada waxaa dhigay ragii, dahay Wadaadkiiye
  • Waxanan ugu dabaal degay markaan, helay dalleentaase
 
  • Dooy iyo Doh Faafka iyo, Dubuxulkaad sheegtay
  • Meesha iyo dirkii Xaawa iyo, Duudkii Nebi Aadan
  • Inaan jeesna naga daaqahayn, daacadaa furiye
 
  • Denbi iyo xasarad baa Ilaah, kuugu dawgalaye
  • Dariiqada Janada loo maraad, dacal maraysaaye
  • Diintii Rasuulka iyo sharcigii, baa lagaa dadaye
  • Nin dardaarnkii seegayoo, doorsan baad tahhaye
 
  • Afartaa dawaarkii dharkoo, dihin ma raacsiyay
  • Deelqaafku waa ba'an yahee, daaqsin maw mariyey
  • Ma daliishay qawlkii runaa, laabta kaa dega'e
  • Da'dii hadalka laga fiiriyey ee, lana dareensiiyay
  • Ana kama duwine eray yar baan, deelka ka higgaadshay
 
  • Daarood hadaad tahay ood, hilbaha uga dubaaxayso
  • Guutada kolkuu Macallin Dool, ugu dawaafaayay
  • Adna sidaa cir danabloo onkaday, doobba karinaysay
  • Diric naaska nuuga iyo markii, gabadh la dooxaayay
  • Dalbashada salaadii markii, gaadhka lagu dayray
  • Dabkii lala dhacaayaa dheguhu, nala dilaaceene
 
  • Degmada Reer Amaadiin iyo Camar, debec ma maalaane
  • Waxa Caabud Waaq laga didsaday, kii dabrayn jiraye
  • Ku dulayste Awyaal intii, ugu dan roonayde
  • Damal Haaje waataw waddeen, duurkan oo kala'e
  • Daahyaale oo qudha maxaad, ugu dallaabaysay
 
  • Shaxda lama degteen Reerhii, cunay dugaagiiye
  • Hadba diilin lama jeexateen, qoomki Reer Dalale
  • Doyaysi uma jiifsateen, dahar ay waabeene
  • Dee hadal waxbuu soo duwaa, gabayga maa deysid
 
  • Afartaa dawaarkii dharkoo,dihin ma raacsiyey
  • Deelqaafku waa ba'an yahee, daaqsin maw mariyay
  • Ma daliishay qawlkii runaa, laabta kaa dega'e
  • Da'dii halka laga fiiriyay ee, lana dareensiiyay
  • Ana kama duwine eray yar baan, deelka ka higgaadsay
 
  • Dagaal iyo dhac waa lagu ogaa, duul shisheeya ahe
  • Iyaguba kun jeer bay dunsheen, dawlada Isaaqe
  • Ragii saca danaaniyay baqaa, daadshay qalabkooda
  • Ee aan isdeyin jeer oo, hooris lagu daashay
  • Eed qoodhha dogoblaw lahayd, sidii dameer weyda
  • Waxaad tahay dabay cudur sidoo, aan layska daadayne
  • Bal maxaa ka daran ceeb hadii, laysku dili waayo?

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.