Home

(IX) Cilmi-Carab Cabdi

                                                                             Dhulbahante

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii Cilmi Carab Cabdi ku darsaday Silsiladdii Rayad

 

  • Hooyaale gabay waayadeer haabka kuma hayne

  • In dhoweydba waataan ka hadhay himiladiisiiye

  • Ma hawalinnin maansooyinkii igu habboonaaye

  • Hoorri waliba goortuu tirshaan daayay hadalkiise

  • Hayeeshee xaluun baan hurdada haatuf ii yimiye

  • Qaar baa halleeyee haddaan miinka ka higgaadsho

  • Heelkaan ka maansoonayaa loo hanweyn yahaye

  • Iga hooya waa taad beryahan ku holganaydeene

  • Hebednimadu waa waxay rag yari kuu hunguriyayne

  • Haddii aad halyey wada tihiin hanad ahoo dhiirran

  • Ninna ma holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane

  • Hubka iyo raggaba adiga oo hodan ahoo buuxa

  • Habaar weeye Habar Yoonis aad hiil u dayataaye

  • Haddii aadan hoollinayn dagaal hebelna aad weydo

  • Holgantoo naftaad geeridii kala hawooteene

  • Waase lama huraan mowd inaad ka hor timaaddaane

  • Hayin iyo anoo layga dhacay halo an maalaayay

  • Intuu Halab karuurkeed nin kale dhamo ma hoydeene

  • Anoo hilib ugaadheed ku nool kama hadheen Xiise

  • Idinkuna hablaad ugu darteen hadiyaddoodiiye

  • Hayiin iyo dayiin uumiyuhu idinku haasowye

  • Inaad hoos u wada foorartaan helay khabaarkiiye

  • Horweyntii la qaadiyo raggii haanka lagu gooyay

  • Haadkiyo waraabuhu ragguu ka hirqadee laystay

  • Ee hanaqa ay wada jareen hebelladii laayay

  • Hawo ineeyan kaa hayn inaad wax u halaakayso

  • Aad hiiftay Cali Aadankii ficil is haynwaayay

  • Oo aad Hartiga eersateen helay khabaartiiye

  • Hayeeshee waxay kaa hayaan waad ka helaysaaye

  • Nin hashiisii laga qaaday oo lagu hor maalaayo

  • Oo horin ka yari haysataa sidan u hoomaayin

  • Oo waliba loo sii hanjabay lana halaakeeyay

  • Hawaar dhabba nin lagu soo dhuftoo haylna laga jeexay

  • Ha'da maanso kuuma ay furree kaagu waa habowe

  • Heeryada adaan rogin Qamaan haanta lagu saaray

  • Hadalba kuuma yaallee maxaad gabay ka hoodaamin

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.