Home

(X) Ismaaciil Cigaal Bullaale

                                                              Habar Yoonis, Isaaq

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii Ismaaciil Cigaal Bulaale ee Silsiladdii Rayad

  • Doolaabta maansada anaa deeqsi ku ahaaye

  • In dhoweydba waataan dedoo diiraddow rogaye

  • Hadba aniga oo daayay bay igu danqaabaane

  • Bal aan dayo dibnuhu waxay barteen dihashadiisiiye

  • Sidii dirirka rooboo bishuu di'i lahaa jooga

  • Ama ramag diraacdii dhaloo oon la dubayoobay

  • Oo maqasha laga duubayoo ololka deexaanshay

  • Ama dowri aaroo in badan duur cidla ah jiifay

  • Oo dibadda neef kula dhacoo miciyihii deenshay

  • Dadow maqal damaashaadku waa diririgteydiiye

  • Dacwad waxaan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey

  • Dacwad kalena waa Cali hadduu gabayga daynwaayay

  • Dacwad kalena waa aniga iyo duun u hadalkayga

  • Dacwad waxaan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey

  • Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh

  • Doollaaba lagu sii wadaa dayrtan maanta ahe

  • Dibna u laabmimaysoo dhulkii dooggu ka idlaaye

  • Darka Qarandi deexdii Cammuud waa dar noo xidhane

  • Dixda Rey-gareed iyo Gargaar waanan dayn karine

  • Dumbuqyaaba laga soo guriyo dogobbo waaweyne

  • Afarteeda deyr bay taqaan looga duulwado e

  • Anaa doonanaystaye baqaa looga diirwadhaye

  • Dawo hadday lahayd Jeerinleey waa dul tegayaaye

  • Degina maayo jeeraan ku furo degelkii Gaafoowe

  • Daahyaale geelii la helay waa diramayaaye

  • Dambarkiisa waxaan loogu lumin amase loo daalin

  • Ninna nama daneeyeen haddii lay daleelsado e

  • Deeq looma siin wiilashaan dayrta xoogsadaye

  • Diishaaba laga soo rogiyo daaqatiyo Faafe

  • Meeshaan ka daadagi jiraan dabaqna saarrayne

  • Ma na looga daray sow raggii duuli jirey ma ihin?

  • Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habar Yoonis?

  •  

  • Afartaa ma dalandeellinnine daw ma ku hagaajay

  • Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye

  • Dacwad kalena waa Cali hadduu gabayga daynwaayo

  •  

  • Nin da'yari dambaab iyo ha galo diradirayntaase

  • Diintii Rasuulkiyo haddaad daacadda ujeeddid

  • Oo aadan dariiqada ka bixin duudii Nabi Aadan

  • Oo madaxu deebtaa ku yahay waa digniin dhab ahe

  • Sidee baad dawaar ugu rogtaa dunida geestaada?

  • Ma dugaagga cunayaad tihiyo haadka daba jooga?

  • Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan deelqaafka?

  •  

  • Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay dab iyo baaruude

  • Dacar gelisey reerihii ahaa ul iyo diirkeede

  • Mugga haatan dirir uumiyuhu waa is dilayaaye

  •  

  • Doqon iyo Ogaadeen haddaad dala' ku sheegayso

  • Waxaa daarahoodii kharribay duulka Reer Gorode

  • Dunjiga Reer Subeer oo dhan baa duudsi loo naqaye

  • Adaa dalawadoodii dhacay oo ceeb ku daabacaye

  • Weyl baan dabraa baad na tidhi waana didayaane

  • Nimankaad dadkii wada tustoo daawo uga yeeshay

  • Waa maxay baroordiiqdan aad ugu danookhyeysey?

  •  

  • Dadkaba haatan godob duug ah baad ugu dahsoonayde

  • Duhurkaaba lagu toogan laa dayrtan maanta ahe

  • Ma daguugan tahay sow ma ogid deynka idin jiifa?

  •  

  • Naftan dawguduud lagu guree sidatan duurkiiya

  • Waa odayadoodaad disheen ood ku digateene

  • Idinkaa duqyaal iyo xidhxidhay shiikhya daahiraye

  • Halkii Aw-Xuseen lagu deldelay waa dalluun qodane

  • Dubbuhu wuxu ku dhacay Bih-Ina Cali degelladoodiiye

  • Ku daadduume Reer Carab sidaad uga digsiiseene

  • Da'roontii kacdaba waydinkii gooyey Reer Dalale

  • Sidaan lagu dareemeynnin baad ugu damqaysaaye

  • Inaan nimanku diirdiirrannayn waxaw daliilkiiya

  • Dooyaalkii baad tahaye maa lagu daqiiqeeyo?

  •  

  • Guutada markuu Macallin Doon kula dawaafaayey

  • Aad sida wadaad soo dikriyey doobta karinaysay

  • Raggaad Qoora-dogoblow lahayd sida dameer weyd ah

  • Ee saca daloombiyey baqaha daadshay qalabkiisa

  • Annagaa ku deyranne xigtana ugama diirtaane

  • Imminkana halkii daganba waad docadocaysaaye

  • Haddii awr duleedka uga dhaco waad duddubisaaye

  •  

  • Afartaa ma daldeelinnine daw ma ku hagaajay

  • Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye

  • Dacwad kalena waa aniga iyo duun u hadalkayga

  •  

  • Deyn kale ma sheegine markay diiftu kugu tiillay

  • Adigoo dullooboo sidii daabax lagu moodo

  • Dalkayaga markaad timid haddii aan ku derejeynnay

  • Oo duunyo waa fududdahee dadab laguu yeelay

  • Aan gabadh daruur u eg aroos kuugu dalaq siiyay

  • Uu kuu dabbaal degay qabiil daabbad wada fuulay

  • Oo dun iyo shaal heensihii laysku wada duubay

  • Oo danabka Maadhiin yaruhu kugu dinnaahyeeyey

  • Oo ay durbaan kuu tumeen dumar wixii joogay

  • Meeshaan abaal door ahoo debecsan eegaayay

  • Haddaad guuto noo soo duntoo daabcadde u dhiibtay

  • Nabsi daalay baan kula sugiye duugga bal aan dhowro

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.