Home

Abshir Nuur Faarax (Bacadle)

 
Qaadow Adigaa leh
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Deelayada maansada marbaa lagu danbaabaaye
  • Marna waa dariiq toosan iyo dib u heshiisiine
  • Marna waa dagaal oo waxbaa lagu difaacaaye
  • Marna waa dan kuu gaar ah iyo nin iyo dookhiiye
  • Dareenkayga gabay maanta waa dib u heshiisiine
  •  
  • Duruufaha aduunkiyo wakhtitigu dan iyo yeelkoode
  • Qalbigeenii daxalaystay iyo damacii dheeraaday
  • Darbigii u dhaxayn jiray ninkii dumiyey oo laaday
  • Oo nabada noo doorbidoo Daa'in garansiiyey
  • Dadku uma sinee ruugcadaha doorka ka ciyaaray
  • Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaantu
  • Ma dafiri karaan liidarrada dib u heshiisiinta
  •  
  • DAroogiyo qabyaaladi ka daran furuq iyo daacuune
  • Dagaalada sokeeyuhuna waa dabar-go'eeniiye
  • Dalkayaga burburay iyo fakhriga dawlada asiibay
  • Degaanada nabaad-guuray iyo dahabka maaroobay
  • Dilka aan ujeedada lahayn iyo deriska eedoobay
  • Denbi nimaan lahayn oo sidii deero lagu tuujo
  • Maatadiyo dumarkiyo ilmaha cadowga loo daadshay
  • Nin damiir leh baa kahanayee doqoni waa mooge
  • Danqashaduba waa gobonimee dan u walaalooba
  • Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta
  •  
  • Intii diir madoow baa qabiil loogu daw galaye
  • Dalkoo nabad ah diin lagu dhaqmiyo deris walaalooba
  • Oo kala danbayntiyo amniga dhidibka loo duugo
  • Oo danaha qarankiyo la sugo dawladnimadeena
  • Oon daadah iyo daadah nahay ul iyo diikreeda ah
  • Iyo waxay nafluhu doonayaan dib-u-heshiisiine
  • Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
  • Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta
  •  
  • Daruur hoortay daad soo rogmaday tog iyo dooxooyin
  • Oo doogga baarka leh xareed dacalka loo saaray
  • Oo deris biyood waa rahee dananayoo reemay
  • Oo daaqu meeshu ku yaal damacday laabtaadu
  • Oo haadka keymaha dugsaday hoos u degi waayey
  • Oo deeradiyo cawshu fadal dib igu soo tuurtay
  • Oo aan dugaag lagu ogayn dacawo mooyaane
  • Oo aan sebaankii la degin gu'iyo deyrtiisa
  • Oo ubaxa dabayluhu ruxeen udug na deeqsiiyey
  • Oo sahanku doorbiday inuu awrta kaga daadsho
  • Oo daaqsin iyo saacd leh udubka loo duugay
  • Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
  • Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
  • Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta
  •  
  • Cirkoo da'aya oo meel dalsan ah Daa'in ku abaaray
  • Oo sagalku daafaha ka xidhay dirirka roobeeyey
  • Oo seemaweydiyo dihin logu dul joogteeyay
  • Oo dhibicdu danab iyo lahayn jac iyo duufaane
  • Oo karartu darandoorisee datrey raadkeeda
  • Oo kii hore u da'ay nimcadu dulundulcaynayso
  • Oo dlagau noo soo baxayoo darar la maalaayo
  • Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
  • Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta
  •  
  • Duqoowdiyo wax-garadkoow fursadan dahabiga ah qaata
  • Madaxdaanu soo dooranayoow shacabka daaweeya
  • Aqoonyahankii lagu daalayoow daynta soo celiya
  • Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega
  • Dadweynihiyo shacabkooy ayida dib u heshiisiinta
  • Dumarka iyo caruurtoow qalbiga nabad ka doondoona
  • Jabhada dagaalamahayoow damiya baaruudda
  • Deegaamada cadaawoobayoow dib u walaalooba
  • Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
  • Cabdullaahi Suldaan Timacaddaa nooga sii digaye
  • Tixduu calanka ugu deeqay iyo dib u heshiisiinta
  • Iyo daacadnimaday nafluhu ugu duceeyaane
  • Denbi dhaaf Allaha siiyo iyo darajo dheeraad ah
  • Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta
  • Inuu door ka galay baan hubaa doqoni waa mooge
  •  
  • Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan kusoo duubay
  • Diirkiyo afkiyo diinta iyo dhaqanka deegaanka
  • Iyo diir madoow baan dhamaan dib u wadaagnaaye
  • Anigaa diraaseeyay ooo dabin ku howlaaye
  • Hiddiyo deelkii duul wada dhashoo diriray weeyaane
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.